Halkee Somalia ka gashay qiimaynta Baasaboorrada adduunka 2022 ee lasoo saaray?

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Saddex baasaboor Aasiyaan ah ayaa ayaa 3-da kaalimood ee ugu sareeeya galay marka loo eego kuwa waddammada kale, sida lagu sheegay warbixin saddex biloodle ah oo ay sii daysay shirkadda ka tala-bixinta dhalashada iyo degenaanshaha caalamiga ah ee fadhigeedu yahay London ee Henley & Partners. Halkan ka arag…

Somalia oo 33 dal lagu tegi karey 2020 ayaa haatan horumar yar samaysay iyadoo gaartey 35 dal.

10-ka dal ee ugu wanaagsan:

1. Japan (193 dal)
2. Singapore, South Korea (192 dal)
3. Germany, Spain (190 dal)
4. Finland, Italy, Luxembourg (189 dal)
5. Austria, Denmark, Netherlands, Sweden (188 dal)
6. France, Ireland, Portugal, United Kingdom (187 dal)
7. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, United States (186 dal)
8. Australia, Canada, Czech Republic, Greece, Malta (185 dal)
9. Hungary (183 dal)
10. Lithuania, Poland, Slovakia (182 dal)

10-ka dal ee ugu liita

Dalal badan oo ay Somalia ku jirto ayaa baasaboorkooda lagu tegi karaa 40 dal iyo wax ka yar. Waxaana ka mid ah:

105. North Korea (40 dal)

106. Nepal, Palestinian territory (38 dal)
107. Somalia (35 dal)
108. Yemen (34 dal)
109. Pakistan (32 dal)
110. Syria (30 dal)
111. Iraq (29 dal)
112. Afghanistan (27 dal)
Hadalsame Media