(Hadalsame) 19 Luulyo 2022 – Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ee Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maanta xabsiga la dhigay.
Yeelkeede, waxaa haatan ka daba timid dood ku aaddan sheegashadaasi, iyadoo la qiray in booliisku ay iyada iyo saaxiibbadeed oo la isku yiraahdo “The Squad” uu goobta mudaaharaadka Maxkamadda Sare uu ka gelbiyey misna waxaa meesha laga saaray in la katiinadeeyey.
“Sixitaan: Kuma cadda muuqaalkan Ilhaan inay gacanta ka katiinadaysan tahay,” ayay soo qortay Esme Murphy.
“Waxay dhammaadka gabalka muuqaalka u muuqataa in aanay ku xirnayn wax katiinado ah.” Ayay raacisay.
Waxaa la arkayaa Ilhaan oo sida ay iskaga dhigayso qof jeebaysan marka dambe u gacan haadinaysa dadwaynaha.
Nin ayaa soo qoray “xiritaanka ay sheeganayso Ilhaan Cumar waxay run u tahay sida nin uur yeeshay!”
Correction : it’s not clear in this video of @ilhanmn that she is in handcuffs – staff says she has been taken into custody along with other MOC during a pro abortion rights protest – it looks at the end of the clip that she is not in cuffs pic.twitter.com/PLtGJ2dR5C
— esme murphy (@esmemurphy) July 19, 2022
Hadalsame Media