Booliiska Milano oo bahdil u gaystey laacibka Bakayoko (Daawo)

0

(Milano) 18 Luulyo 2022 – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Timoué Bakayoko ayaa si khasab ah looga dejiyey gaarigiisa bartamaha Milano, waxaana baaray booliiska, iyadoo uu qof booliis ihi uu bastoolad ku hayo gaarigiisa.

Muuqaalka uu duubay qof meesha ka ag dhowaa oo ku dambeeyey shabakadda internet-ka, ayaa muujinaya Bakayoko oo ku tiirsan gaariga booliiska lana fatashayo.

Dabadeed wakiil ka tirsan booliiska ayaa u yimi qofkii baarayey oo dhegta wax ugu sheegay.

Ugu dambayntii boolisku way garteen khaladkii dhacay, wayna fasaxeen ciyaartoyga.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media

Facebook Comments