Maamulka Puntland oo halis uu arkay usoo gudbinaya DF Somalia si dalka looga mamnuuco (Cillad jirta?)

0

(Garoowe) 16 Luulyo 2022 – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa sooy jeediyey in dalka Soomaaliya laga joojiyo dawooyinka himmada ragga kordhiya, sida kiniiniga caanka ah ee Viagra.

Xildhibaannada noo su’aalo waydiinayey Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegey in xannuunno kala duwan ay dad badani kala kulmeen sida dhiig-kar iyo wadne xanuun qaar kalena uba dhinteen.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegey in ay marka hore baarayaan una kuurgelayaan xaaladahan xanuunka leh ee lala xiriirinayo Viagra-ha.

Maxay tahay sababtu? Kaniinigani wuxuu aad u kordhinayaa wareegga dhiigga qofka kaas oo muhim u ah istaagga jaallaha si uu u dhaco bandhig sariireed macquul ah.

Sidaa darteed, qofkii awal dhiig-kar, wadne xanuun, shallal ama stroke iyo xanuuno kale qabey waa inuu iska jiraa.

Nasiib xumo dadka u baahaniba waxay u badan yihiin dadka waawayn oo ay marar badan dhici karto inay xanuunnadaa qabaan.

DHIBKA JIRA – Somalia ma aha dal hal nidaam ka taliyo, tusaale ahaan, Puntland lafteedu DF uma ogola inay joogaan garoomada, dekedaha, kastammada iwm, sidaa darteed, xitaa haddii la mamnuuco warqad ahaan waxba bedeli mayso.

Hadalsame Media