Wuxuu jacayl ba’an u qaaday gabar qurux badan oo uu dhalay wadaad ay isla xirnaayeen (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2022 – Qaybtii koowaad ee dhacdada ka hadleysa Maxamed Badiic hogaamiyaha ururka ikhwaanul muslimiinka dalka Masar iyo jaceylkiisii jeelka ama xabsiga ku Galey intii uu xirnaa sannadihii 70-meyadii waxa aan ku joojiyey iyadoo Maxamed Badiic uu qalbigaasi taabtey jaceyl ugub ah oo uu u qaadey gabar uu dhaley nin xabsiga dalka masar ay kuwada jireen halkii ayaan kasii amba qaadayaa qeybta labaad ee la socod wanaagsan. Halkan ka aqri qaybtii 1-aad…

Bal qiyaas nin sagaal sannadood xirnaa, oo weliba jir-dil u dheeraa. Inta uu caday ka dhuubtay ayaa dhibaatada dhafoorkiisa laga akhrisanayaa. Shilin kiishkiisa ama jeebkiisa kuma jiro oo dhaqaale ahaan waa eber, meelna wax kuma oga. Lix sannadood oo kale ayaa uga haray muddadii lagu xukumay waxaa u Dheer oo dhib leh. Inantan ama gabadhan uu caashaqay waxaa dhalay nin sirtiisa iyo caadkiisaba og.

Wuu dareensan yahay in ay gabar ugub oo curdin ah tahay, oo ay nolol roon iyo mustaqbal raaxo leh rabto. Waxaas oo dhan u muu joojine, inta uu dhabar-adaygay ayuu si dhiirranaan ah Al-shanaawi ugu yiri “inantaada ama gabdhaada jaceyl baan u qaadaye ii guuri!”. Al-shanaawi oo yaabban, dhanna waxan uu maqlayo u qaadan la’ ayaa si kedis ah ugu jawaabay: “waa sax, laakiin adigu waad aragtay, iyadu se ku ma ay arkin, waa in ay ku aragtaa oo aynnu ra’yigeeda iyo go’aankeeda ogaannaa”.

Si kalsooni leh ayuu Maxamed Badiic jeebkiisa uga soo saaray sawir laga qaaday intii uu xirnaa, saaxiibkiina u sheegay in uu sawirkan inantiisa siiyo, sidaasna ay go’aankeeda ku soo caddeyso. Waa sawir caato, ciqaab iyo ciil ka muuqdo oo aan ku habboonayn in jaceyl lagu godlo ama qalbi gabdheed lagu soo jiito ama lagu maalo.

Al-shanaawi oo garan la’ inkaartan ninka saaxibkii heshay ee lalminaysa ayaa si talo ah ugu yiri “Waar saaxiib sawirkani ma fiicna oo xaalad xun baa ka muuqatee, ma ka deynnaa?”. Maxamed Badiic se wuu ku adkaystay in sawirkan inanta loo gudbiyo, waxaana uu yiri “Waxa aan rabaa in ay xaaladdeyda dhabta ah iyo duruufta aan ku noolahay igu jeclaato, oo ay ogaato in aan qalbigayga oo kali ah hayo”.

Sidaas buu Al-shanaawina ka oggolaaday. Waxa lagu heshiiyay: in booqashada soo socota, gabadha sawirka loo dhiibo, booqashada ku xigtana go’aankeeda ay soo caddeyso, haddii ay aqbashona, qoyska Maxamed Badiic arrinta loo sheego. Waa hawl waqti, fikir iyo go’aan u baahan. Nasiib-wanaag se, ninkii Al-shanaawiba waa la cafiyay oo jeelkii wuu ka baxay oo la sii daa, saaxiibkiina waxa uu ugu bushaareeyay in uu gabadhiisa guriga ugu tegi doono, sawirkana u geyn doono, kadibna jawaabta uu ku soo celin doono.

Maxamed Badiic wuu sugi kari la’ yahay jawaabtii. Ololka xiisaha ee laabtiisa gubayay ayuu habeen oo dhan ka seexan la’ yahay. Jaceylka ugubka ah ee wadnihiisa gilgilay buu maalintii ka nasan la’ yahay. Wax la sugo war baa u gaajo kulule. 15 cesho ama maalmood kadib ayay “Sumaya” jawaabtii iyo go’aankeedii soo gudbisay. Aaaaah! Toloow maxay noqon?

Waa nin dhibaato ka muuqato, jeel buu ku jiraa, lix sannadood ayaa u haray, bar xoolaad laguma oga oo dhaqaale ma heysto, sidoo kale waa barasho kedis ah. Maxaa laga fili karaa? Wax laga filoba, gabadhii Sumayi oggolaatay Maxamed, waxayna ku ballan-qaadday in ay sugi doonto inta uu jeelka ka soo baxayo. Maxamed Badiic, haddana farxad buu habeenkii la ledi waayay, maalintiina hadalkeed daa.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii labaad ee dhacdadan la soco qaybta sedexaad oo aad u xiiso badan insha Allaah.

La soco qaybta 3-aad….

Qalinkii: Aadan Daahir Cabdullaahi

Hadalsame Media