”Waxaan la lahaan jirney xiriir qarsoodi ah!” – Saxaafadda Israel oo u abaal sheegatay Somalia (Imisa siyaasi ayaa xiriir la samaysay?)

0

(Hadalsame) 12 Juun 2022 – MW DF Somali ayaa 19-kii bishii Juun u baqoolay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tegey safar rasmi ah oo 2 maalmood ahaa balse ka badan qaatay.

Warar soo baxayey ayaa sheegaya inuu shir doceed aan rasmi ahayni uu dhexmaray MW Xasan iyo saraakiil Israeli ah. Qaar kale ayaaba intaa dhaafinaya oo xusaya in Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tegey Tel Aviv oo ah caasimadda Israel.

Horayna warqaadka dhexda u janjeera ee Times of Israel ayaa markii dib loo doortay Xasan Sheekh qoraal uu ka sameeyey ku saadiyey inuu dhici karo xiriir dhexmara Somalia iyo Israel.

Awal waa la hadal hayey in XSHM uu 2016-kii si gaar ah ula kulmay RW Israel, balse Israellycool ayaa hadda kusoo kordhiyey in MW hore ee Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) uu Nofeembar 2017-kii la kulmay RW Binyamin Netanyahu in November 2017.

Qorshuhu xitaa wuxuu ahaa in Somalia ay Israel la heshiiso xilligii la saxiixayey wax lagu sheegay “Heshiiska Ibraahiimiga”, balse uu  hakiyey Donald Trump oo aaminsanaa in Somalia aysan isaga jeclayn Ilhaam Cumar darteed.

Deeto sheekada waxay u leeyihiin meel kale. Ururkii SYL ee la aas aasay 1943-kii si loo gaaro xornimada Soomaaliya, ayay sheegeen inuu xiriir la sameeystay Israa’iil 1950-kii, iyada oo ay deeto Israa’iil ay taageertay madax-bannaanidooda.

Israa’iil ayaa u codeysay in Soomaaliya ay hesho madaxbannaani sanadkii 1952-dii, balse codbixintaasi ma aysan dhicin sababo la xiriira dalalka Carabta oo diiday.

1960-kii, Israa’iil waxay mar kale u codaysay in Soomaaliya ay noqoto dal madaxbannaan. Golda Meir, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ee xilligaas, waxay magaalada New York kula kulantay Cabdullaahi Ciise, oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, waxaana lagu casuumay inuu ka soo qaybgalo xuska xorriyadda Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay 1-dii Luulyo 1960-kii.

Sannadkii 1976-kii, Madaxwaynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre wuxuu la xiriiray Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Israa’iil Yigal Allon, isagoo ka codsaday in la taageero madaxbannaanida France Somaliland oo ah Jabuuti oo xornimo ka doonaysey Faransiiska.

Israa’iil waxay taageertay fikraddaas, Jabuutina waxay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1977-kii.

Ila wareedyo badan ayaa waxa ay sheegeen in xiriirka labada dhinac uu ahaa mid “wanaagsan oo laakiin qarsoodi ah”, iyadoo Israel ay mar walba safka hore kaga jirtey taageerada Soomaaliya, sida uu warqaadku qorayo.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Soomaaliya ay dhegeysatey Jaamacadda Carabta, islamarkaana ay dib u dhigtay marka ay timaado xiriir buuxa oo ay la yeelato Israel, xiriirkaas oo keeni lahaa in Soomaaliya ay noqoto mid aad u horumarsan, sida uu yiri David Lange oo sheekadan qoray.

Hadalsame Media