”Maalinta ay Somalia cagaheeda isku taagto waxaa ka macaashi doonta Afrika oo dhan!” – Sida looga fal-celiyey war ku saabsan horumar Muqdisho ka socda

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2022 – Hilinka Al Jazeera qaybta af Ingiriisiga ku hadasha ayaa qoraal dheer ka sameeyey isbedellada dhanka dhismaha ee ka soconaya Muqdisho.

Waxay diiradda saareen sida dhismayaasha cusub ee cirka ku tolani aanay u caawinayn dadka magaalada marka la eego dhinaca sicirka.

Yeelkeede, dad badan oo warkan ka faallooday ayaa iyagu diiradda saarayey meelo kala duwan waxaana ugu badnaa inay la yaabban yihiin inay nololiba ka jirto Somalia. Waxaan soo qaadanaynaa shisheeyaha.

Mid baa yiri: ”Waa markii iigu horreeysey ee aan abid wacaal wanaagsan ka maqlo Somalia. Dhac, dagaal iyo burcad badeed ayaan ku maqli jirey Somalia.”

Mid kale ayaa yiri: ”Dalkani wuxuu ka bedelmayaa mid fashilmay oo wuxuu noqonayaa mid nabdoon oo sidii hore dhaama.”

Mid kale ayaa qoray: ”Haddii dalkoodu uu sidaa u qurxan yahay isaga oo dagaal ku jira, ka warran marka ay nabad buuxda helaan?”

Mid kale ayaa yiri: ”Waan ognahay inay Somalia dhinac wanaagsan leedahay, balse warbaahinta shisheeye sooma qaadato.”

Mid ayaa is waydiiyey: ”Oo haddii ay Muqdisho sidan u qurxoon tahay waa maxay abaarta dalkaa laga sheegayaa may isku fillaadaan?!”

Mid baa yiri: ”Waxaan ahay Itoobiyaan waana ogahay inay Soomaalidu tahay dad howl badan, waxay Afrika ka noqon karaan awood jirta, balse waa in la muujiyaa dhinac san ee Muqdisho. Waxaan idiin raheeyey nabad iyo baraare.”

Mid kale ayaa yiri: ”Waxaa yaab leh in qayb-guri Muqdisho ku yaalla lagu la’yahay $700 oo Doollar, halka lacagtaas guri looga ijaaran karo Manhattan, New York, waana ogtihiin farqiga u dhexeeya GDP-ga labada magaalo.”

Mid baa yiri: ”Eastleigh tag, waxaad arki doontaa howlkarnimada iyo daacadnimada Soomaalida. Waxaan idiin rajaynayaa guul. Afrika oo dhan baa idinka macaashi doonta, marka aad cagihiinna isku taagtaan.”

Mid ayaa soo qoray: ”Sicir barar noocaas ihi kuma fiicna dal sabool ah sida Somalia.”

Hadalsame Media