”Isaga halla tarxiilo hana magacaabo dadka uu sheegay!” – Sida ay dadka Ingiriisku uga fal-celiyeen arrinta M. Faarax

0

(London) 12 Luulyo 2022 – Orodyahanka caanka ah ee Sir Mo Farah ayaa barnaamij ka baxaya BBC TV Arbacada berritoole ah waxaa uu si faahfaahsan uga waramayaa noloshiisa dhabta ah taas oo uu ku kashifayo wax badan oo aanad horay u ogayn.

Waxaa uu barnaamijka u sheegay inaanu magaciisa dhabta ahi ahayn Mo Farah ee uu magacaasi yahay mid been abuur ah Oo UK lagu keenay.

Waxaa uu barnaamijkaasi kaga waramayaa magaciisa Runta ahi uu yahay Hussein Abdi Kahin. Waxaa kale oo uu sheegayaa in qoyskii UK keenay ay yaraantiisii nolosha ku ciqaabeen.

Haddaba, dadwaynaha Ingiriiska ayaa ka fal-celiyey sida ay u arkaan arrintan uu daadiyey oo saamayn karta Soomaalida iyo dad badan oo shisheeye oo isku dhiiba arrimahan oo kale.

Gabar baa tiri: ”Bal arag faallooyinka kooxaha waddaniyiinta ah (cunsuriga), haddiiba cid la tarxiilayo waa in la idiin horreeysiiyaa.”

Mid baa yiri: ”Magacow dadka aad sheegtay inay ku ”addoonsan jireen.” – taasoo ay dhowr qofi ku celceliyeen ilaa dadka qaar ay difaacaan Max’ed Faarax.

Mid kalaa soo qoray: ”Hadda ayuu waxaa oo xumaan ah ka sheegayaa UK oo wax kasta siisay.”

Mid baa ku dooday: ”Sheekadiisu isma qabanayso. Dhibaato wayn ayuu isu abuurayaa.”

Mid baa soo jeediyey: ”Ninkan halloo tarxiilo Rwanda, hana laga celiyo billadihii uu qaaday.”

Mid kalaa ku kajamay: ”Haddii aad sharci darro tahay balse aad ordi karto waa hagaag Ingiriiska.”

Mid baa yiri: ”Marka taariikh nolodkiisii oo dhami been buu ahaa. Imisa ayuu ka sameeyey beentaan.”

Islaan baa tiri: ”Wuu noqon karaa mar kasta. Halkan cidina ka tebi mayso.”

Mid baa yiri: ”Hadda ayuu mudan yahay in la tarxiilo si uu nadiif u noqdo.”

Mid baa soo qoray: ”Ma aaminsani ninkan.”

 

Hadalsame Media