Ku-simaha Madaxwaynaha oo kashiftay wixii ay ku wada hadleen Maamulka Puntland

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2022 – Ku-simaha Madaxwaynaha JFS ahna Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa sheegtay in ay la xidhiidhey guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya u sheegtey in kaidb markii ay diyaaraddu degtay uu la socoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda.

Xildhibaan Sacdiya oo sidoo kale ah ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada.

Xildhibaan Sacdiya ayaa intaas ku dartay inay mucaawino gaysay magaalada Garoowe muddo hadda laga joogo ilaa saddex toddobaad, laguna wareejiyey maamulka, balse ilaa haatan aan la qaybin mucaawinadaas.

VOA

Hadalsame Media