Siyaasi weli shaki ka muujinaya inay wada ”nool yihiin” ciidamada la geeyey Eritrea

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2022 – Siyaasiga Maxamed Cabdi Waare, MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, ayaa fikirkiisa ka dhiibtey safarka MW Somalia ee dalka Eritrea iyo ciidamo la sheegay in halkaa ay joogaan.

Wuxuu siyaasigani weli muujinayaa tuhunka ku saabsan in askartaa qaarkeed ay dhinteen, waloow aanu faahfaahin sababta, isagoo soo qoray sidatan:

”Ugu dambayntii, waa la ogaan doonaa inta wiilashaa ka mid ah ee weli nool! Inta kalena way raaci doontaa. Khayr Inshallah!”

Waare ayaa waxaa fikirkan la qaba siyaasiyiin badan oo mucaarad ahaa xilligii nidaamkii hore ee Farmaajo, kuwaasoo mararka qaar si ka badbadin lagu sheegay uga hadli jirey kiiskan.

Yeelkeede, weli lama oga sida ay dhab ahaantii wax u dheceen, waxaana ay wax kasta ku kala caddaanayaan safarka MW Xasan Sheekh oo lagu wado inuu ka war keeni doono ciidamadaasi oo si kastaba ay si uga meermeerayeen nidaamkii hore.

Hadalsame Media