Hadal muhim ah oo uu MW Somalia u sheegay ciidanka & arrin aan weli la sharrixin

0

(Casmara) 10 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Madaxwaynaha Eritrea ee Isaias Afwerki iyo Dawladdiisa uga mahadceliyey tababarka ay siiyeen ciidamada Soomaaliyeed ee halkaa jooga.

Ciidankaasi oo iskugu jira noocyada kala duwan ee Qalabka Sida, ayaa qaba Tababar gaar ah, kuwaas oo dhowr sano halkaa ku sugnaa, waloow aan weli la sharrixin sababta.

Madaxwayne Xasan ayaa Salaan-sharaf ka qaatay cutubyadan ciidanka ah ee Soomaaliyeed, isagoo u sheegay in ay xoraynta dalka qayb muhim ah ka noqon doonaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku farxayaan awooddiina iyo tababarkiina, halka ay cadowgu ka naxayaan muuqiina.” ayuu ciidankan ku yiri Madaxwayne Xassan Sheekh oo shalay Casmara ka degey.

MW Xasan ayaa halkaa sii joogi doona berri iyo saadambe, sida uu qorshuhu yahay.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments