RW hore ee Japan oo meel fagaare ah lagu toogtey & geeri looga baqayo + Sawirro & Muuqaal

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2022 – RW hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa lagu toogtey meel fagaare ah oo uu ka ololaynayey, iyadoo sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay Dowladda. Daawo muuqaalka…

RW Abe oo dalka Japan soo xukumay min 2006-2007 iyo kaddib mar kale 2012 ilaa 2020 ayaan muujinaynin wax nolol ah oo uu wadnihiisu taagan yahay.

RW hore ayaa xabadda loogu dhuftay xabadka abbaarihoo 11:30 am aminta Japan, isagoo jooga gobolka galbeed ee Nara, sida uu sheegay Wasiir Hirokazu Matsuno oo weerarka cambaareeyey.

Hal nin oo la rumeysan yahay inuu yahay ninkii toogashada gaystey ayaa xabsiga la dhigay, lamana oga sida ay noqonayso xaaladda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Abe hadda.

Warbaahinta maxalliga ah oo ay ku jiraan baahinta qaranka ee NHK iyo Wakaaladda Wararka ee Kyodo ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore uu u muuqday mid ku jira “xaalad uu istaagey wadnuhu”, eraygan inta badan lagu isticmaalo Japan kahor inta aan geeri laga baqin oo aan si rasmi ah loogu xaqiijin baaritaan.

Weerarkan lagu qaaday ninkan oo laga yaabo inuu yahay siyaasiga ugu caansan Japan ayaa imaanaya in kasta oo waddankaasi u uu caan ku yahay heerarka hoose ee dembiyada rabshadaha wata iyo sharciga adag ee hubka.

Halkan ka dheeho sawirrada

Hadalsame Media