RW hore ee Japan oo dhaawacii u geeriyoodey (Xog dheeraad ah oo kasoo baxday rasaasta haleeshay oo ka badan tii hore loo sheegay)

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – RW hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa lagu toogtey meel fagaare ah oo uu ka ololaynayey, iyadoo sida uu sheegayo Afhayeen u hadlay Dowladda. Daawo muuqaalka…

Abe, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa dalkaas illaa uu xilka iska casilo 2020 2020-kii, ayaa diyaarad helikobtar ah isbitaalka loogu qaaday weerarka kaddib. Geeridiisa waxaa markii ugu horreeysey ka warbixisay Warbaahinta Dadwaynaha ee NHK.

Muuqaallo iyo warar ay baahiyeen warbaahinta Japan ayaa muujinayey khudbadda Abe oo ay kala gooyeen laba jugood oo rasaas ah – kuwaas oo laga yaabo inay ka timid qoriga toogashada – waxaana la arkayey qiiq.

Deeto Abe sidii wax turunturrooday dhulka ugu dhacay kaddib toogashadii labaad. Telefishinka TBS ayaa baahiyey in laga toogtay dhanka bidix ee xabadka iyo sidoo kale dhanka qoorta sida muuqatey.

NHK ayaa markii hore ka soo xigatey dab-damiska iyo gurmadka iyagoo sheegaya in ”Abe aanu muujinaynin calaamado nololeed.”

RW Abe oo dalka Japan soo xukumay min 2006-2007 iyo kaddib mar kale 2012 ilaa 2020 ayaan muujinaynin wax nolol ah oo uu wadnihiisu taagan yahay.

RW hore ayaa xabadda loogu dhuftay xabadka abbaarihoo 11:30 am aminta Japan, isagoo jooga gobolka galbeed ee Nara, sida uu sheegay Wasiir Hirokazu Matsuno oo weerarka cambaareeyey.

Mr. Abe, oo 67 jir ahaa wuxuu saamayn xooggan ku lahaa siyaasadda Japan. Wuxuu ahaa hoggaan beenaadka Xisbiga xilka haya ee Liberal Democratic Party isagoo ay dowladdu wax ka dhegeysan jirtey xitaa kaddib markii uu xilka banneeyey Sebtemar 2020.

Wuxuu haatan u ololaynayey xisbigiisa si ay ugu guulaystaan codadka ugu badan ee doorashada Aqalka Sare ee Diet oo dhacaysa Axadda.

@“Þ—ÇŽs‚̋ߓS‘å˜a¼‘厛‰w‘O‚ÅŠX“ª‰‰à‚·‚鎩–¯“}‚̈À”{Œ³Žñ‘ЁB‚±‚ÌŒãAeŒ‚‚³‚ꂽ‚W“úŒß‘O‚P‚PŽž”¼‚²‚ë

Hadalsame Media

Facebook Comments