Wuxuu nin dhibban ku sadaqaystay 2 Doollar oo uu xoolo ka haystey kaddib waxa dhacay ma jirin qof filanaysey

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Barnaamij TV ka baxayey oo tabarrucaadda lagu uruuriyo ayuu weriyihii dad weynaha u soo bandhigay xaaladda bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso, bukaanka ma awoodi karin inuu lacagtaas iska bixiyo.

Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan.

Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu bukaanka ku tabarucay Lacag 2$ ah.

Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ Doollar oo keliya?

Wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamuundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo labadaas Doollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay inaan sadaqeysto!

Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8 Kun oo dollar wuxuuna yiri 4 kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.

Mid kale ayaa isna baxsaday 10 kun oo dollar wuxuuna yiri 5 kun bukaanka ayaa leh 5 kunna wiilkii labada dollar baxsaday.

Sidaa ayey ku socotay oo qof walba oo lacag baxsaday wuxuu u kala qeybiyey bukaanka iyo wiilkii labada dollar baxsaday.

Dhammaadkii barnaamijka markii la gaaray lacagtii bukaanka qaliinka loogu sameyn lahaa wey dhameystirantay, Wiilkii labada dollar sadaqeystayna lacag 50 kun oo dollar ku dhaw ayuu helay.

Barnaamij kale ayaa wiilkii lagu casuumay si lacagtii uu helay loogu wareejiyo, waraysina looga qaado, intuu barnaamijku socdey waxaa TV-ga soo wacay Tobannaan shirkadood oo raba inay wiilka shaqo siiyaan.

Dulucda sheekadani waxay tahay:

Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna wax kaa irsaaqayaa meel aadan fileynin. Nabigu (SC) wuxuu yiri:

ما نقصت صدقة من مال

Oo macnaheedu yahay sadaqo maal ma yareyso.

W/T: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media

Facebook Comments