“Somalia waxay noo muujisay niyad wanaag” – Kenya oo qiratay inay wacday MW Somalia

0

(Nairobi) 07 Juun 2022 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Peter Munya, ayaa Arbacadii u xaqiijiyay dhinacyada ay khuseyso in heshiis dib loogu soo celinayo ganacsiga Soomaaliya ee Jaadka la saxiixi doono waqti dambe.

Arrintan ayaa ka dambeysey kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu ka baaqsaday ka qaybgalka shirka aan caadiga ahayn ee Urur-goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Isagoo la hadlayey dadka ku nool magaalada Maua halkaasoo laga bilaabay in ka badan 43,000 oo ah soo saarista warqadaha lahaanshaha dhulka ee Igembe South iyo Igembe Central, Mr Munya ayaa sheegay in Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya ay wada xiriireen dhowaanna ay kulmi doonaan si loo dhameeyo heshiiska.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeralayda Jaadka Miira in waxba aysan naga lumin, oo heshiiska ganacsiga waloow aan la saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, maadaama uu Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay dalka Turkiga, ay misna labada Madaxwayne ku talo jiraan inay dhowaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Waxa uu intaa ku daray in aan shaki ku jirin in Soomaaliya ay niyad wanaag ka muujisay dib u furista suuqa Miirooga.

Guddoomiyaha Jamciyadda Ganacsiga ee Nyambene Miraa, Kimathi Munjuri, ayaa isna sheegay in dib u furista suuqani ay ku shubi doonto khasnadda Meru in ka badan 10 milyan oo Shilinka Kenya ah maalin kasta, taasoo uu ku sheegay “sababta ay u danaynayaan in horumar laga sameeyo arrintan”, sida uu yiri Mr Munjuri.

Soomaaliya ayaa hakisay soo degsiga Jaadka Miraa bishii Maarso 2020-kii, iyadoo sabab uga dhigaysa xannibaadaha la xiriira cudurka Covid-19 kahor inta aan mar kale la kordhin xayiraaddaasi Agoosto isla sanadkaas.

Isla sanadkaas, Soomaaliya waxay ogolaatay in la keeno Jaadka kala duwan ee Itoobiya, taasoo meesha ka saartay masiirkii ganacsi ee ganacsatada Qaadka Kenya.

Kahor, Kenya waxa ay Muqdisho u dhoofinaysey ilaa 50 tan oo Qaad ah maalin kasta.

Hadalsame Media