Ninkii dadku ku laayey Maraykanka oo u baxsaday qaab aflaamta lagu arko

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Booliska Maraykanka ayaa sheegay in Robert Crimo, oo ah ninka looga shakisan yahay in uu hubaysnaa oo uu rasaasta ku furay dhoollatus ka dhacayay magaalada Chicago 4-tii Luulyo, uu kusoo lebistay dharka dumarka si uu ugu dhex milmo dadkii baxsanayey weerarka kaddib.

“Crimo wuxuu ka baxay saqafka, wuxuuna deeto tuuray qorigiisii wuxuuna ku dhex milmay dadkii baxsanayey,” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Chris Covelli.

“Crimo wuxuu ku lebisnaa dharka dumarka, baarayaashuna waxay rumaysan yihiin inuu taa u sameeyey si uu u qariyo taatoo wejigiisa iyo haybtiisa qofeed intii uu baxsanayey.”

“Kaddib markii uu ka baxsaday qabashadii hore, Crimo wuxuu uu gaarigiisa u kaxeeyey dhanka aagga Madison, Wisconsin, kaddibna wuxuu ku laabtay gobolka Illinois,” ayuu yiri Covelli.

Todobo qof ayaa ku dhintay in ka badan labaatameeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaastii Crimo oo dadwaynaha ku ridey in ka badan 70 xabadood.

Waxaa Crimo la qabtay saacado kaddib weerarkaasi.

Hadalsame Media