MW Erdoğan oo ku faanay arrin ay Somalia oo qura ka sameeyeen & faa’iido uu farta ku fiiqay

0

(Ankara) 06 Juun 2022 – “Soomaaliya waa tusaalaha ugu wayn ee muujinaya muhimadda uu Turkigu siinayo horumarinta dhaqaalaha, nabadda bulshada iyo xasilloonida qaaradda Afrika,” ayuu yiri Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan Arbacadan.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu la qabtay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Erdoğan ayaa sheegay in 10-kii sanadood ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ugu deeqeen in ka badan 1 bilyan oo Doollar oo gargaar bini’aadminnimo ah.

Tillaabooyinka wadajirka ah ee Turkigu uu la qaaday Dowladda Muqdisho sanadkii 2011-kii ayaa Soomaaliya ka caawisay inay dib u soo noolaato, maadaama dalku uu xilligaa qarka u saarnaa burbur, ayuu ku dooday MW Erdoğan.

“Sannadkii 2011-kii Soomaaliya waxay qarka u saarnayd burbur sida ay sheegeen beesha caalamku, markaa 2011-kii waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay Soomaaliya annaga oo ah wefdi ballaaran si aan caalamka ugu gudbinno inaan garab taagan nahay walaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.

Edogan waxa uu xusay in tillaabooyinka wadajirka ah ay dalka Soomaaliya ka caawiyeen inuu dib u soo noolaado oo uu horumar sii sameeyo, waxa uu sheegay in mugga ganacsiga labada dal uu gaarey $363 milyan oo Doollar sannadkii hore, taas oo ahayd 2 milyan oo keliya sannadkii 2013-kii.

Edogan ayaa sheegay in dhismaha ugu wayn ee Safaaradda Turkigu uu ku leeyahay caalamka oo idil ay ku taallo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay in dalkiisu uu taa ku faanayo.

Hadalsame Media