DAAHA GADAASHIISA: Maxaa loo diley Xaashi? Wargays Talyaani ah oo hal arrin u sababeeyey & Xildhibaan u baaqay DF

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Dowladda Soomaaliya waa in baaris sax ah ku sameysaa dilka Xaashi Cumar Xasan (U dhibanaha Soomaali iyo ajnabi)

Allaha u naxariisto galinkii hore ee maanta oo Arbaca aheyd waxa Muqdisho qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar Xasan oo ahaa muwaadin dhibane u ahaa xabsi aan caddaalad aheyn oo u uku qaatay dalka Talyaaniga ,balse kadib ku dhawaad 20 sano oo uu xirnaa Xaashi waxa racfaan qareenadiisa oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi ay ku guuleysteen in xabsiga laga soo daayo Xaashi ,lana siiyo magdhow 3 milyan oo Euro, maadaama xukunkii hore ee lagu riday uu ahaa caddaalad darro.

Maxaa loo xirey Xaashi?

Xaashi waxa lagu eedeeyay oo masabid ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye Talyaani ah oo la oran jiray Alaria Alpi iyo sawir qaadaheedii oo isna lagu magacaabi jiray Miran Hrovatin . Wariyaaashan oo ka socday Telefishinka Rai iyo wageyska Famiglia Cristiana ayaa waxa ay Soomaaliya u yimaadeen in ay baaraan haraadiga sunta Niyuukleerka iyo ka ganacsiga hubka sharci darrada ah oo ay iska kaashanayeen Siyaasiin Soomaali iyo Talyaaniba leh.

Alpi oo ka timid dhanka Bosaaso ,soona qaaday wareysiyo ayaa u soo duushay Muqdisho . Waxa ay dageen hoteelka Saxafi balse waxa ay u gudbeen dhanka Waqooyi ee magaalada oo barigaa labo u qeybsaneyd ,waxase dhacday in la dilo labadii wariye ee Talyaaniga ahaa 20kii Maarso 1994tii ka soo horjeedka hoteelka Amaana ee u dhow isgoyska Maanaboolyo ,iyada oo la qaatay waxii dikumenti ah ee ay wateen ,taas oo shaki weyn ku abuurtay waalidiinta dhalay labada wariye .

Hadaba si loo sameeyo raad tirasho ayaa dilkaas waxa qoorta loo galiyay Xaashi . Waxa Talyaanigu ka fekereen sidii Xaashi lagu geyn lahaa Talyaaniga . Waxa la keenay sheeko ah in ciidamadii Talyaanigii horraantii 90ka yimid Soomaaliya ay tacadiyo u geysteen dad Soomaaliyeed ,dadkaasna ay xaq u leeyihiin in ay magdhow helaan. Xaashi waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu waday in tacadi loo geystay oo sagu uu yahaf dhibbane ,balse markii uu Talyaanigu tagay waxa la guda galay shirqoolkii loo qorsheeyay ,waxana bilaabtay in isaga la maxkamadeeyo laguna eedeeyo in uu ka danbeeyay dilka wariyayaasha Talyaaniga .

Waalidiinta dhalay labada wariye waxa ay ku adekeysanayeen in ilmahooda loo dilay siyaasad oo Xaashi aanu heerkaas gaarsiisneyn.

Xaashi dhowr sano ka hor ayaa la soo daayay isagoo helay magdhow . Dalka ayu uku soo noqday oo waliba waxa uu ceel ka qoday deegaan uu ka soo jeedo oo ku yaal gobolka Sh/dhexe.

Xaashi kama tirsaneyn dowlad oo Shabaab birtilmaameed uma aheyn ,waxase ay badan tahay in loo dilay arimo kale taas oo u baahan in baaris lagu ogaado .

Ma ahan mid la aqbali karo in maalin walba la dilo muwaadin Soomaali ah ,wax dabagal ahna aan lagu sameyn, sidaa awgeed Dowladda Soomaaliyeed waxa saran waajib ah in ay baaritaan sax ah ku sameyso dhibaatada ku dhacday Xaashi iyo muwaadiinta la midka ahba.

Waxaan maanta aqriyay warbixin ay ka qoreen www.Repubblica.it dilka Xaashi kaas oo ay leeyihiin Xaashi Soomaaliya ayu uku laabtay kadib qolyaha Shabaabka ayaa lacag weydiistay taas oo caadiyan sharci ka ah Muqdisho ayna bixiyaan ganacsatada iyo dad lacagta heysta (Perché a Mogadiscio questa è la regola).

Hal gabar oo wariye Talyaani ah oo lagu dilay Soomaaliya 1994-kii ayaa weli kiiskeedii socdaa anigana maalin kasta ayaa nala qarxinayaa, wax baaris ahna lama sameeyo, ilaa ay gaartay xitaa in Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow Allaha u naxariistee la dilo, wax raad ahne aan weli la heynin.

W; D: Maxamed Ibraahim Macallimuu

Hadalsame Media