XOG CUSUB: Hubka casriga ah ee Ukraine la siinayo oo la sheegayo inuu gaarey dalal Somalia u dhow

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Qaar ka mid ah hubkii ay reer galbeedku u direen dalka Ukraine ayaa ku guuldarraystay in uu xitaa gaaro halkii loogu tala galay waxaana laga yaabaa inuu sii huriyo colaado ka jira meelo fog, sida uu Wasiirka Difaaca Ruushka ee Sergey Shoigu uu Talaadadi ka digey.

Isagoo ka hadlayey shir wasaaradeed, Shoigu wuxuu yiri “Galbeedka wadar ahaan, iyagoo rajaynaya inay soo daba dheereeyaan colaadda Ukraine, waxay sii wadaan saadka hubka ah ee ballaaran ee ay siinayaan nidaamka Kiev.”

“In ka badan 28,000 oo tan oo shixnad millateri ah ayaa mar hore la geeyey dalkaasi,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiggu.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey xogta millateriga Ruushka, “qaar ka mid ah hubka ay reer Galbeedku siiyeen Ukraine ayaa ku faafaya gobolka Bariga Dhexe, iyo suuqa madow,” sida uu yiri Shoigu.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid wax yar kaddib markii baaritaan uu sameeyey RT Russia uu muujiyey in hubka halista ah ee ay Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee NATO siinayaan Ukraine lagu iibiyo shabakadaha Dark Web, halkaas oo qaar ka mid ah hubka laga iibsan karo iyagoo soo bandhigay sawirro iyo sicirka hubka la iibinayo.

Ganacsatada reer Ukraine ayaa la sheegayaa inaysan kaliya iibin hub yar yar ama jaakadaha rasaasta, laakiin sidoo kale ay sii iibiyaan qalab casri ah sida Javelin iyo NLAW oo ah nidaamyada ka hortagga taangiyada, iyo Phoenix Ghost iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Switchblade oo ah gantaal daroon laga dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, si buuxda meesha loogama saari karo in iibiyeyaashu aysan dhab ahaantii iyagu haysanin hubka, maadaama baarayaasha RT aysan soo bandhigin wax iibsi ah oo ay u sameeyeen qaab tijaabo ah. Halkan ka aqri baaristii hore….

Dalalka uu hubkani gaari karo waxaa ka mid ah dalka Somalia oo ah dal u dhisan qaab foowdo ah oo aan lahayn xad koontoroolan iyo cid lagala xisaabtamo.

Hadalsame Media