DHEGEYSO: ”Waxaa la saxiixaa wax aan la ogayn!” – Xaashi Cumar Xasan oo Muqdisho lagu khaarajiyey oo aan 4 sano kahor waraysannay (Yaa ka dambayn kara dilkiisa?)

0

(Muqdisho) 06 Juun 2022 – Xaashi Cumar Xasan (AUN) ayaa maanta u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qarax loogu xirey gaarigiisa.

Xaashi ayaa waddanka Talyaaniga kusoo qaatay xabsi ku dhowaad 19 sanadood ah oo ka mid ahaa 26 sanadood oo lagu xukumay, kaddib markii lagu eedeeyey dilka gabar weriye Talyaani  ah ahayd oo sanadkii 1994-kii ka dhacay Muqdisho.

Gabadhan ayaa ahayd Ilaria Alpi oo ahayd 25-jir ka tirsanayd hilinka TG3 iyo RAI waxaana wehlinayey duubeheedii Miran Hrovatin oo isna lala khaarajiyey, iyadoo ay arrintani salka la geleeyso siyaasiyiin caan ah oo Soomaali iyo Talyaaniba leh, ganacsato iyo dad kale.

Xaashi oo markii danbe wax denbi ah lagu waayey ayaa lasii daayey sanadkii 2016-kii laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa waxaana xilligaa loo xukumay magdhow.

Maanta ayaa Xaashi Cumar lagu dilay Muqdisho, waxaana durba taagan dood ku saabsan cidda dishey, sababta, in dilkiisu uu lugta la geli karo isla dadkii diley labada qof isagana baxarkan geliyey si isaga loogu saan-tirto.

Halkan ka dhegeyso waraysi aan 7-dii Juun 2018-kii aan Xaashi uga qaaday magaalada Gothenburg oo uu xilligaa soo gaarey, isagoo xilligaa ka hadlayey inuusan ku qanacsanayn xabsigiisa iyo magdhowga intaba.

Hadalsame Media