Daroonnada Bayraktar TB2 oo Muqdisho lagu arkay (Danjire Turki ah & siyaasi horay u kashifay)

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ay Turkigu sameeyo ee Bayraktar TB2 oo Jawi hoose ku duulaysa ayaa casar-liiqii maanta lagu arkay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Horraantii sanadkan ayuu siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay in diyaaradahani ay dalka yaallaan isagoo weliba diray qayladhaan uu kaga digayey in nidaamkkii Madaxwaynihii hore ee DF Somalia ee Maxamad Cabdulaahi Farmaajo la siiyo diyaaradahan.

12-kii Diseembar, Danjirihii ugu horreeyey ee Turkigu usoo dirsado dalka Somalia burburkii kaddib, Dr C Kani Torun, ayaa isna ka hadlay daroonnadan oo xilligaa la sheegayey in la siiyey dalka Somalia.

”Duruuf kastoo jirta Turkigu waa in aanu qayb ka noqonin dagaallada qabiil ee Somalia. Dowladda Turkiga waan uga digayaa arrintan,” ayuu warkiisa ku bilaabay Torun.

”Hubkaa ay Turkigu direen waa in kaliya lagula dagaallamaa Al Shabaab. Dowladda Farmaajana waa inaysan u adeegsanin khilaaf gudeed.” ayuu raaciyey.

 

Hadalsame Media