Ukraine oo ku faantay gantaalo uu Ruushku horay uga digey in la siiyo & dalka siiyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022Bishii Luulyo 4-teedii, muuqaal lagu wadaagay baraha bulshada ayaa si rasmi ah u caddeeyay adeegsiga ugu yaraan hal nooc oo ah gantaal ridaha M142 [HIMARS] ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine. Fiidiyow ay soo saareen millteriga Ukraine, ayaa muujinaya M142 la ridayo.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan goorta la duubay muuqaalka, laakiin isha laga helay ayaa sheeganaysa in muuqaalkan laga duubay dhanka dhidibka Zaporizhzhia.

Ukraine ayaa lagu wadaa inay hesho afar kale oo ah hababka gantaalaha M142 taasoo qayb ka ah gargaarka millateri ee Maraykanka, kaas oo sii kordhaya bil kasta.

Ukraine waxay rajaynaysaa inay hesho habka kale oo gantaalaha riddada dheer ah – M270 – dhowaan. Britain iyo Jarmalka ayaa waxay dalkaa siin doonaan noocyada M270 ee dalalkooda.

Jarmalku waxa uu isagu hore ugu dhawaaqay inay Ukraine hadda u tabobarayaan inay ku shaqeeyaan nidaamkan, halka Norway ay iyaduna qaar kale ku deeqayso.

Nidaamka Gantaalaha M142 [HIMARS] oo dhowr gantaal markiiba gani kara ayaa la howlgeliyey dabayaaqadii 1990-meeyadii. Nidaamkani waxa kale oo uu sidoo kale qayb ka yahay nidaamka ballistic-ga taatikada, sababtoo ah waxa uu ridi karaa nooca gantaalaha MGM-140 Army Tactical Missile System [ATACMS].

Ruushka ayaa horay Maraykanka uga digey in hubkan la siiyo dalka Ukraine.

Hadalsame Media