Suudaan iyo Itoobiya oo is hor fariistay markii ugu horreeysey tan iyo coltankii al-Fashaqa + Sawirro

0

(Nairobi) 05 Luulyo 2022 – Ra’iisul Wasaaraha DF Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa la kulmay Madaxa Golaha KMG ah ee Suudaan xukuma, Cabdulfataax Al Burhaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cabdulfataax Al Burhaan, halkaasoo ku gaareen inay wax ku xalliyaan si nabdoon.

”Wadahadalladii aan la yeeshay Jen. Cabdulfataax Al Burhaan, waxaan labadeenuba ku heshiinney in labadeenna dal ay leeyihiin waxyaabo badan oo iskaashi oo ay si nabdoon uga wada shaqeeyaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal kooban.

Labadan dal ayuu dagaal ku dhexmaray dhulka ay ku muransan yihiin ee Al Fashaqa kaddib markii askar Suudaani oo la qafaalay si bahdil ah loogu laayey gudaha Itoobiya.

”Dabarrada guud ee aannu wadaagno ayaa ka sarreeya qaybsan kasta. Labadeenaba waxaanu samaynay ballanqaad wada hadal iyo xal nabadeed oo lagu gaarayo arrimaha taagan.” ayuu raaciyey.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka 39-aad ee Madaxda IGAD.

Somalia ayaa waxaa halkaa ku meteli doona RW Xigeenkii hore ee DF Somalia, Md Guuleed, kaddib markii uu shirkaa ka baaqday MW Somalia Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Turkiga.

Hadalsame Media