Lacagihii loogu deeqay Suuqa Waaheen oo la is waydiinayo xilli la sheegay lacag aan kala bar xitaa dhamayn tii Muqdisho laga diray (Daawo)

0

(Hargaysa) 05 Luulyo 2022 – Waxaa ay durba doodi ka oogantey halka ay ka baxday lacag malaayiin ahayd oo loogu deeqay ganacsatadii ku hanti beeshay Suuqa Waaheen oo gubtey horraantii sanadkan 2022.

Guddi lacagayowgaasi gacanta ku haya ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ka sheegay inay hayaan “lacag dhan 5 Milyan iyo $600,000 Doollar” balse arrintan ay sheegeen Guddiga Taakulaynta Suuqa Waaheen ayaa dadka isu qaban waydey.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DF Maxamed Xuseen Rooble ayaa 3-dii Abriil sii daayey lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirtey xisaabta DFS, si loogu taageero arrintan.

Waxaa dheerayd lacag kale oo $ 3 milyan oo Doollar ahayd oo ay ku deeqeen ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo labadaa lacagood uu qur ihi ay ku dhow yihiin $ 14 milyan oo Doollar.

Sidoo kale waxaa jirey ganacsatada Somaliland, dalal, hay’ado, ashkhaas iyo dad lacago dibedda kasoo ururiyey ee deeto soo diray.

Su’aasha ay dadku qabaan ayaa haatan u badan aaway oo xaggee ka bexeen lacagahaasi?

Hadalsame Media