Kenya oo qiratay dib u dhac kaga yimid arrin ay ka dhowraysey DF Somalia

0

(Nairobi) 05 Luulyo 2022 – Wasiirka Beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa BBC-da u sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Madaama madaxweynaha Soomaaliya uusan ka qeyb galin shirkaas ayaa waxaa dib loo dhigay saxiixa heshiiska labada dal.

Heshiiskan wuxuu horseedi lahaa in dib loo furo qaadkii ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa lagu waday in lagu saxiixo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya, iyadoo la filayay in la qaado xayiraadii saarneyd labadii sano ee u dambeysay qaadkii Kenya.

Bishii Juun ayay aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun Doollar.

BBC

Hadalsame Media