Facebook, iyo Instagram oo ay cillado lasoo gudboonaadeen (Meelo badan oo aysan shaqaynayn)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – Waxaa cilladaysan FacebookInstagram iyo farriin-walaha Facebook Messenger meelo badan oo caalamka ah iyadoo ay macaamiishu ay cabanayaan.

Sida laga soo xigtey Down Detector, oo ah shabakad la socota maqnaanshaha noocaas ah, cilladda ayaa markii ugu horreeysey bilaabatay abbaaraha 15:55 BST (10:55 ET).

Isticmaalayaasha ayaa sheegay in aysan Facebook-ga ka geli karin app-ka ama website-ka, halka ay sidoo kale u muuqato in ay jiraan dhibaatooyin laga marayo gelitaanka Facebook Messenger.

Instagram, oo ay iska leedahay shirkadda Facebook leh ee Meta, ayaa iyadana dhib laga sheegayaa, lamana yaqaan sababta cillada.

In ka badan 2,600 isticmaale ayaa arrimahan Instagram-ka uga warbixiyey, sida uu muujinayo Down Detector, iyadoo 3,200 ay dhibaato kala kulmeen app-ka Facebook Messenger.

Ku dhowaad 89 boqolkiiba isticmaalayaasha Messenger ayaa sheegay inay dhibaato kala kulmaan dirista iyo helida fariimaha caadiga ah.

Boqolkiiba 8 dheeraad ah ayaa iyana dhibaato kala kulmay app-ka, halka 3 boqolkiiba ay sheegeen in aanay gebi ahaanba geli karin.

Boqollaal kale ayaa ka cawday Facebook.

Hadalsame Media