Xog dheeraad ah oo laga soo saaray ninkii shalay weeraray suuqa Copenhagen (Xogta dadka dhintay & dhaawaca)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Ninka loo haysto toogashadii ka dhacday suuqa wayn ee Field Shopping Mall ee Copenhagen oo ay ku dhinteen 3 qof ayaa la sheegayaa in laga yaqaaney adeegyada caafimaadka dhimirka oo uu ka diiwaan gashanaa, sida uu sheegay Booliiska Denmark.

”La tuhunsaneheenna waxa laga yaqaanney dhanka adeegyada dhimirka, intaas wixii ka dambeeya ma rabo inaan ka hadlo,” ayuu Taliyaha Booliiska Kobanheegan Soren Thomassen oo shir jaraa’id qabtay maanta.

Thomassen ayaa intaa ku daray in dhibanayaasha ay u muuqdeen kuwo si aan kala sooc lahayn loo beegsaday, sidaa darteed aanay jirin wax muujinaya in uu ahaa fal argagaxiso.

Taliyaha Booliiska ayaan weli ka hadlin sababta keentay weerarka, balse wuxuu sheegay inay u muuqato inuu jirey diyaar-garow kahor weerarka iyo in 22-jirka laga shakisan yahay aysan cid kale caawin.

“Sida uu haatan xaalku yahay, waxay u muuqataa inuu kaligii howshan ku dhaqaaqay.” ayuu yiri.

Saddexda qof ee dhintay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay gabar iyo wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Denmark, oo labaduba 17 jir ahaa, iyo 47 jir u dhashay dalka Ruushka oo degen Denmark.

Afar kale ayaa ku dhaawacmay toogashada: laba dumar ah oo Danish ah, da’doodu tahay 19 iyo 40, iyo laba Swedish ah, nin 50 jir ah iyo haweeney 16 jir ah.

Hadalsame Media