Qiimayn uu sameeyey Bankiga Adduunka oo Somalia ka dhigtay dalka 3-aad ee ugu qaalisan Bariga Afrika (Waa dhankee?)

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2022 – Dalka Somalia oo si gaabis ah uga soo kabaya dagaallo sokeeye oo aafeeyey, taasoo ay ugu wacan tahay bisayl siyaasadeed iyo mid bulsho oo aan weli jirin, ayaa waxay aad ugu baahan tahay maalgashi caalami ah oo nidaamsan mid guud iyo mid gaar ahba.

Yeelkeede, Somalia ayaa qaadday jid aan waaqici ahayn sida ka muuqata qiimaynta Bankiga Adduunka, waayo waa dalka ugu qaalisan dalalka Afrika marka ay timaado in ganacsi iyo maalgashi laga samaysto Somalia.

Arrintan ayaa waxaa uga sii daraya in Somalia aysan ahayn dal xasilloon, bulsho ahaan, ammaan ahaan iyo siyaasad ahaanba taasoo muhim u ah in dalka ganacsi lala sameeyo, balse taasoo jirta ayaa misna qaali laga dhigay diiwaangelinta ganacsiyasada cusub.

Somalia ayaa marka la eego qiimaynta lagu sameeyey Bariga Afrika xitaa ka qaalisan dalka ugu dhaqaalaha badan Gobolka oo ah Kenya oo la isku diiwaangelin karo 100 Doollar oo qura, halka Somalia ay 2 jeer ka badan tahay waana 300 oo Doollar.

Waxaa yaab leh in dalka ugu kaabayaal horumarsan uguna ammaan fiican gobolka oo ah Rwanda ay diiwaangelintu bilaash tahay oo aan shilin laga doonaynin, taasoo ah mid shirkado badan soo jiidanaysa.

Arrintan ayaa u baahan in deg deg wax looga qabto si loosoo jiito ganacsiyada iyo fursadaha cusub, iyadoo dabcan loo nidaaminayo qaab ay Somalia faa’iidada ugu badan uga heli karto oo aanay shirkaduhu inta lacago badan urursadaan dibedda u dirin lacago badan oo adag, sida hadda dhacda.

Hoos ka eeg…

Hadalsame Media