Haddii aad Xajka sanadkan ku cusub ka faa’iidayso JAANTUS kaa caawinaya inta camal ee lagaaga baahan yahay

0

(Maka) 04 Luulyo 2022 – Cibaadeystayaal ka kala imanaya daafaha dunida ayaa kusii qulqulaya Sucuudiga, iyagoo durba soo buux dhaafiyey waddooyinka magaalada Maka oo ah magaalada ugu barakaysan Islaamka oo isu diyaarineysa inay martigeliso xujeeydii ugu badnayd tan iyo markii uu dillaacay cudurka faafa ee coronavirus.

Boorar lagu soo dhaweynayo mu’miniinta, oo ku jira booqashadii ugu horreeysay ee caalami ah tan iyo 2019-kii, ayaa la sameeyey iyadoo ciidamada ammaanka oo hubaysani ay gaaf wareegayaan magaaladan qadiimiga ah, oo ah halkii uu ku dhashay Nabi Muxamed (NNKH).

Hal milyan oo qof, oo ay ku jiraan 850,000 oo dibedda ka imanaya, ayaa sanadkan loo oggol yahay Xajka – oo ah tiir muhiim ah oo Islaamka ka tirsan oo dhammaan Muslimiinta awoodda u leh looga baahan yahay inay gutaan ugu yaraan hal mar – kaddib laba sano oo tirooyinka si aad ah loo yareeyey cudurka faafa ee Covid-19 awgii.

Ugu yaraan 650,000 oo xujeey ah oo dibadaha ka yimid ayaa ilaa hadda gaarey Sacuudi Carabiya, sida mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii.

Sannadka 2019-kii, ilaa 2.5 milyan oo qof ayaa ka qaybqaatay Xajka, kuwaas oo ay ku jiraan ku wareegga Dhagaxa Madow ee Kacbada, Masjidka weyn ee Maka, fuulista Buurta Carrafa iyo dhagxinta shaydaanka ee Mina.

Hoos ka eeg jaantus kuu sahlaya acmaasha lagaaga baahan yahay, gaar ahaan haddii ay kuu tahay markii kuugu horreeysey ee aad Xajka tagto.

Hadalsame Media