Turkiga oo tijaabiyey gantaal markab-dile ah oo ay uga maarmayaan mid ay Maraykanka ka iibsan jireen + Sawirro

0

(Ankara) 03 Luulyo 2022 – Turkiga ayaa sameeyay tijaabo kale oo lagu guulaystey ee gantaalkeeda maxalliga ah ee Atmaca, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca dalkaasi Turkiga goor dhow.

Atmaca ayaa waxay si guuleed ugu dhaceen bartilmaameedyo loo asteeyey oo ku yaalla Badda Madow kaddib markii laga soo ganay hannaan nooca guurguura ah markii markii ugu horreeysey, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaacu.

Howlaha tijaabada ah ee gantaalahan riddada dheer ee markab-dilaha ah ee ay soo saareen shirkadda agabka difaaca caanka ah ee Roketsan ayaa laga fuliyey gobolka woqooyiga Simoow.

Atmaca waxaa lagu tilmaamay mid shiishkiisu sax yahay ee riddada dheer ee dhul ka dhul, kaasoo loo adeegsan karo maraakiibta frigate-ka iyo corvette-ka, doonyaha roondada, iwm.

Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa hadda adeegsada gantaalka markab-dilaha ah ee Maraykan-sameega ah ee Harpoon, waxaana ay Turkigu ku bedeli doonaan ATMACA oo weliba leh muuqaallo dheeri ah.

Hadalsame Media