Tillaabo qarsoodi ah oo uu Imaaraadku qaaday oo dood siyaasadeed ka abuurtay Kenya

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022 – Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa qabsaday ololaha siyaasadeed ee ka socda Kenya kahor doorashada 9-ka Agoosto kaddib markii bishii Maarso 2022 ay heshiis ay la gashay Nairobi sidii ay u maamuli lahayd saddex dekadood oo Kenya ah, sida soo shaac baxay todobaadkii hore.

Isbahaysiga Kwanza ee Kenya oo uu hoggaamiyo Madaxwayne Xigeenka dalkaasi ee William Ruto ayaa ku eedeeystay in Madaxwayne Uhuru Kenyatta inuu si qarsoodi ah isku dayayo inuu xaraasho hantida dalka, taasoo ah eed ay dowladdu diiddey.

Warka heshiiskan ayaa soo baxay saddex bilood kaddib markii uu Madaxwayne Kenyatta uu booqday Imaaraadka.

Sida ku cad dukumentiyo si wayn loo faafiyey, 1-dii Maarso, Kenya waxay heshiis saami-qaybsi ah la gashay DP World, kaddibna 10-kii Maarso, wefdi ka socdey Imaaraadka Carabta ayaa booqday Kenya si ay u eegaan halka uu marayo qorshahan.

Isagoo diidaya in heshiiska uu ahaa mid qarsoodi ah, Xoghayaha Maaliyadda Qaranka Ukur Yatani ayaa sheegay in DP World FZE ay u soo bandhigtay Kenya horumarinta, ka shaqaynta, maaraynta iyo ballaarinta adeegyada saadka gaadiidka ee afar xarumood oo Kenya ah – dekedaha Mombasa, Lamu iyo Kisumu, iyo dekedda qallalan ee Naivasha, iyadoo heshiiskani u baahan yahay dhamaystirka nidaamka xiga ee Kenya.

“Tani waa qayb ka mid ah qorshaha mustaqbalka fog ee dowladda, sida mashruuca Lamu Port-South Sudan-Ethiopia Transport (Lapsset) kaasoo socdey in ka badan 10 sano, waana sababta aan u keenayno shuraako badan oo ay oo dowlado iyo dadwaynaba leh si loo sii horumariyo. Taasi waa sababta aan u dhiirigelinayno iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caanka ah ee horumarinta dekedaha,” ayuu yiri Mr Yatani.

Kenya ayaa higsanaysa inay Dekedda xadka Somalia u dhow ee Lamu uga dhigi lahayd Dubaayda Afrika, iyadoo doonaysa inay ka degaan gaadiidka u socda dalalka gobolka iyo badeecooyin kale.

Hadalsame Media