Nin bil qura mushaarkiisa qaatay 286 jeer oo markii khaladka la fahmey tillaabo yaab leh ku dhaqaaqay

0

(Santiago) 02 Luulyo 2022 – Nin u dhashay dalka Chile ayaa mar qura lacag badan oo laakiin sharci darro ah ku dhuftay kaddib markii uu si lama filaan ah mushaharkiisa caadiga ah u qaatay 286 jeer.

Khaladkani wuxuu dhacay bishii Maajo, iyada oo ninku uu markii dambe u ballanqaaday madaxiisa in uu u soo celin doono lacagta dheeraadka ah ee la gu siiyay markii ay qaybta HR-ku khaladka garteen misna taa beddelkeeda, shaqadiisii ayuu ka tegey wuuna dhuuntay.

Shirkaddu waxay si lama filaan ah u siisay 165,398,851 Peso oo ah lacagta Chile, halkii uu caadi ahaan ka qaadan jirey mushaharkiisa oo ahaa 500,000 oo peso. Waa adduun u dhigma ilaa AUD$260,000 oo Doollar (£148,000 oo gini).

Caadi ahaan waxa uu bishii qaadanayey lacag dhan AUD$790 (£450), iyadoo sida uu qorayo Diario Financiero, uu ninkani u shaqaynayey Consorcio Industrial de Alimentos (Cial), oo ah shirkad ka mid ah kuwa ugu ballaaran ee hilibka ka ganacsada dalka Chile.

Diario Financiero ayaa intaa raaciyey in ninkan oo ballanqaaday inuu bankiga tegayo oo lacagta dib ugu soo shubayo khasnadda shirkaddiisa, uu shaqadii iska casiley 2-dii Juun isagoo soo marinaya qarreenkiisa.

Sida uu qorayo Take-Profit.org, mushaarka billaha ah ee Chile ee ugu yar (minimum wage) waa $US 434 oo Doollar bishii ($AUD 628, £356).

Hadalsame Media