KASHIFAAD: Shirkado caalami ah oo ganacsi dhiig-miirasho ah ka wada Somaliland & Puntland (Nin u dhaqmaya sidii laadar oo…)

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2022 – Waxaa soo baxay barnaamij dokumenteri ah oo laga sameeyey sida loo dhiig-miirto Soomaalida Beeyada gurta ama iska leh ee woqooyi bari Somalia, gaar ahaan degaanno ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Dokumenterigan oo loogu magac daray ”Sicirka Naqinnimada” waxaa barnaamijka kasoo samaysay Hind Xasan oo ah gabar Ciraaqi-Ingiriis ah oo u shaqaysa Vice News waxayna bannaanka soo dhigtay ceebo fara badan.

Beeyada oo ah geed taariikhi ah ayaa dawo ahaan iyo ruuxi ahaan dunida oo idil looga adeegsadaa, waxayna ka baxdaa dalal ay Somalia ka mid tahay, waxaana cajiib ah in rodolkii oo laga samayn karo 30ml Soomaalida laga siisto $6 Doollar oo qura, halka ay iyagu 30ml kusii iibinayaan $200 Doollar, waa faa’iido dhan $194 Doollar.

Waxaa shirkadaha sidaa yeela ka mid ah döTERRA International oo ku fadhida balaayiin Doollar, taasoo uu goobta u joogo nin u dhaqmaya sidii Kaaba-laadariinta aflaamta action-ka ah, kaasoo aan ogolayn wax tartan ganacsi ah, wax daah-furnaan ah iyo xitaa in wax laga waydiiyo sida ay wax u wadaan.

Ninkaasi waa Barkhad Xasan oo leh shirkad qandaraas hoosaad ku haysata inay beeyada kasoo iibiso Soomaalida oo ay siiso shirkadda döTTERA taasoo la yiraahdo Asli Maydi oo aad u fududaysa dhiig-miirashada ku socota Soomaalida iyo khayraadka ay duni kale ka macaashayso dadkeediina lagu dullaysanayo.

Ninkan ayaa waloow uu markii hore ogolaaday inuu waraysi bixiyo misna jilliin fashilan oo ay gabadha weriyaha ihi markiiba garatay adeegsadey markii la isku dayey inay waraysi laga qaado, iyadoo ay ciidamo kasoo dul dheceen islamarkii waraysiga la bilaabayna joojiyey iyagoo iska dhigaya inay xirayaan Barkhad laftiisa.

MAXAA FASHILAY JILLIINKA? Waxaana inay jilliin ahayd laga garan karaa sida uu laftiisu u diidanaa inuu su’aalaha ka jawaabo, inay ciidamadu soo weerareen isla bilowgii waraysiga, in markii dambe xitaa uu eedayn u jeediyey gabadha weriyaha ah iyo Vice oo uu ku tilmaamay kuwo doonayey inay ”khaarajiyaan”, gabadha oo sheegtay inuu hanjabaad u gaysanayey markii waraysiga la joojiyey kaddib, islamarkaana xitaa sheegay inuu dacwaynayo Maamulka Somaliland maadaama ay dadkan soo fasaxeen. Marna se kama hadlin waraysigii la joojiyey.

Si kastaba, Somalia ayaa si isa soo taraysa ugu sii ekaanaysa Congo DR oo tan iyo 60-kii u holcaysa khayraadka faraha badan ee ceegaaga, iyadoo ay shirkado caalami ihi hantida dalkaasi iska qaataan islamarkaana ka shaqeeyaan inaan colaadda iyo qaybsanaantu halkaa ka dhammaan. Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media