Xildhibaanad ku cusub Baarlamanka tooshka ku shidday arrin xanuun badan oo ay la kulantay

0

(Hadalsame) 30 Juun 2022 – Xildhibaanadda Sahra Cabdullaahi Bundubte oo ka mid ah xildhibaannada ku cusub Baarlamanka oo qurbaha gaar ahaan Sweden ka yimid ayaa farta ku fiiqday arrin ay aad ula yaabtay, iyadoo weliba ku baaqday in loo istaago oo wax laga qabto.

”Waxyaabaha iigu adag ee aan la kulmay intaan joogey Somalia waxaa ugu culus aadna ii damqa in aan wali la aqbalin xanuunno ay ka mid yihiin isku buuqa (Stress) iyo autism-ka caruurta,” ayay tiri Sahra.

”Waxaad maqlaysaa ‘waa ilmo kibir badan’, ‘waxuu qabaa isfiilito iyo ‘reerkiisa ayaa sidaa u dabeecad xun’. Runtii waa xanuun kale in aan la aqbalin wax yar oo hadhaw isku bedeli kara waali ama geeri,” ayay raacisay.

”Waxaan baaq u dirayaa dhaqaatiirta carruurta, macallimiinta iyo dadka bartay cilmi-nafsiga inay arintan soo fara geliyaan si loo badbaadiyo carruur/dhalinyaro fara badan.” ayay ku baaqday Sahra Bundubte.

Si kastaba, carruurta oo qura ma ahane dad badan oo ay xitaa kuwa waawayn ka mid yihiin ayay dhacdaa in marka ay diiqad (stress) oo ka kooban dhowr nooc ku dhacdo la iska yiraahdo ”wuu waashay ama way waalatay”, iyadoo ay dhici karto in dawo yar oo la siiyo ay qofka caadi kusoo celin kari lahayd.

Somalia ayaan lahayn kaabayaashii iyo cilmi ku filan oo dhinacan ah, waxaa sidoo kale xaaladda uga sii dara inay dadku ceeb u arkaan inay u tagaan dhakhaatiirta dhimirka sida kuwa Psychiatry-ga ee la tacaali kara xanuunnada diiqadda oo ay marar badan sahlan tahay in la dabiibo.

Hadalsame Media