”Been baad sheegteen!” – Qaramada Midoobey oo runta u sheegtay nidaamka Israel (Arrin ay horay u dafirtay oo lagu caddeeyey)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2022 Qaramada Midoobey (QM) ayaa soo gebagebaysay baaris gunaanadkeedu noqday in ciidamada Israeli ay rideen rasaastii halista ahayd ee lagu diley weriyihii ruug-cadaaga ahayd ee Falastiini-Maraykanka ahaud ee Shireen Abuu Caqlah oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto bishii hore, sida ay natiijada QM muujisay.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey Ravina Shamdasani ayaa saxaafada ugu sheegtay magaalada Geneva in hay’addu ay ogaatey in rasaasta lagu diley Abuu Caqlah ay ka timid dhanka ciidamada Israel.

“Waa arrin aad looga xumaado in maamulka Israa’iil aysan samaynin baaritaan dembi,” ayay tiri Ravina. 

“Annaga haddaannu nahay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey, waxaanu soo gebagebaynay baaris madax-bannaan oo aanu ku samaynaynay dhacdadan,” ayay tiri.

“Dhammaan macluumaadka aannu ururinnay – oo ay ku jiraan xogta rasmiga ah ee millateriga Israel iyo xeer-ilaaliyaha guud ee Falastiin – waxay la jaanqaadaysaa natiijadan ah in rasaastii lagu diley Abuu Caqlah laguna dhaawacay saaxiib-howleedkii Cali Sammuudi ay ka timid dhanka Ciidamada Ammaanka ee Israel oo aanay ahayn rasaas aan loo meel dayin oo ay ridayeen Falastiiniyiinta hubaysani, sida ay markii hore sheegteen mas’uuliyiinta Israa’iil.”

Hadalsame Media