Wuxuu u bandhigtay guur markii ay diiddeyna wuxuu u sheegay inuu qoorta ka goyn doono (Kaddib waxaa dhacday arrin naxdin leh)

0

(Qaahira) 29 Juun 2022 – Maxkamad Masar ku taalla ayaa Talaadadii shalay ahayd xukun dil ah ku riddey nin lagu helay inuu diley Nayera Ashraf, oo ay isku jaamacad ahaayeen, balse ay ka diiddey codsi uu u bandhigtay.

Ashraf ayuu deeto garaacay oo uu dhowr jeer toorreey ku dhuftay dharaar cad todobaadkii hore, iyadoo ay daawanayeen dad aad uga naxsan wiilkan ardayga ah oo ay gabadhu ka diiddey hindisaha guur, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay dacwad-oogistu.

Qoyska gabadha da’da yar ee la diley ayaa soo dhoweeyay xukunka ay ku dhawaaqday maxkamadda dembiyada ee Mansoura, sida uu sheegay website-ka rasmi xigeenka ah ee Cairo 24.

Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in Maxamed Caadil oo ah gacan ku dhiiglaha lagu xukumay dilka toogashada ah, islamarkaana dacwaddu ay hadda hor taallo Muftiga wayn si uu wax uga yiraahdo xukunka, waloow taasi aysan bedelaynin xukunka dhacay.

Maxkamadaynta ayaa bilaabatay Axaddii kaddib markii uu baahay muuqaal muujinaya gabadha dhibbanaha ah ee 21-jirka ahayd oo uu mindi ku weerarayo arday ay isku jaamacad ahaayeen meel ka baxsan Jaamacadda Mansoura, kaasoo ay markii dambe qabteen dadkii goobta oo booliiska u dhiibey.

Ashraf ayaa horay ninka ugu dacwaysey maamulka, iyadoo weliba u sheegtay inay ka cabsanayso inuu weeraro, sida ay sheegeen aabaheed iyo goobjoogayaashu, iyadoo la helay farriimo uu ku sheegayo inuu ”qali doono oo qoorta ka goyn doono.”

Fal-dembiyeedkan ayaa waxa uu caro baahsan ka abuuray Masar iyo meelo ka baxsan, kaddib markii ay arrintani dhacday maalmo uun kaddib dhacdo tan la mid ah oo arday u dhalatay dalka Urdun oo la yiraahdo Iman Rashid, oo 21 jir ah, lagu toogtay xarun jaamacadeed. Gacan ku dhiiglihii Rashiid ayaa isna is toogtay markii la qabanayey.

Ku dhowaad 8 milyan oo dumar ah oo Masaari ah ayaa dhibanayaal u ah rabshado gacan ka hadal wata oo ay u gaysteen lamaanayaashooda ama qaraabadooda, ama ay u gaysteen dad aanay xitaa garanayn oo ku weeraray goobaha dadwaynaha, sida lagu sheegay sahan Qaramada Midoobey ay samaysay 2015-kii.

Hadalsame Media