KASHIFAAD: Lacagta MW Joe Biden oo dumar lagula tuntay & hal arrin oo la is waydiinayo

0

(Washington, DC) 29 Juun 2022 – Xog laga helay Laptop-ka Hunter Biden ayaa shaaca ka qaadday in wiilka Madaxwaynaha Maraykanku uu $30,000 oo Doollar ku kharash gareeyey “hablo uu la tuntay” oo uu ka dalbaday xarumo ku yaalla Kiev iyo Moscow, sida uu qoray Washington Examiner.

Sida warbixinta lagu sheegay, Hunter waxa uu ku ururay biilal shan bilood ah oo isku gaarey laga bilaabo Nofeembar 2018 ilaa Maarso 2019-kii, markaas oo uu aabbihii isu diyaarinayey inuu u tartamo madaxwayne.

Muddadaas ayuuna  MW Joe Biden waxa uu wiilkiisa u diray lacag dhan $100,000 oo Doollar, in kasta oo aanay caddayn in uu ogaa waxa uu wiilkiisu lacagta ku bixinayey iyo in kale.

Farriimaha qoraalka ah ee cajaladda wayn ee kumbiyuutarka Hunter ayaa la sheegay in ay muujinayaan wada-hadallo uu la yeeshay qof la yiraahdo ‘Eva,’ oo shaqaale ka ah “wakaalad gaar ah” oo dumarka laga dalbado oo lagu magacaabo ‘UberGFE’.

Mid ka mid ah farriimahaasi, wuxuu Febraayo 2019-kii uu Hunter wuxuu Eva u sheegay inay dhibaato ka haysato inuu lacag usoo diro, maadaama ay isticmaalayso e-mail wata domain-ka cinwaanka qaranka Ruushka ee .ru, taasoo keentay inuu bankigiisu calaameeyo koontadiisa oo la xannibay.

Hadalsame Media