Wasiir Bayle oo bayaaniyey cidda hortaagnayd in xisaab-xirka la sameeyo (Qiil maangal ah oo uu keenay)

0

(Muqdisho) 28 Juun 2022 – Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa maanta Baarlamanka hor tegey si uu uga gar boxo doodda la xiriirta xisaab-xirkii oo aan la samaynin muddo-xileedkii xukuumaddii hore.

Wasiir Bayle ayaa ku dooday inay xisaab-xirka mar kasta samaynayeen, balse aan laga qaadin halkii ay geeyeen oo ay hoos iska dhigeen xubnihii Baarlamankii 10-aad ee hore.

Wuxuu Dr Bayle keenay dood macquul ah oo ku saabsan inaysan is fahmeen hay’aadka maaliyadeed ee caalamiga ah sida IMF iyo Bankiga Adduunka, haddii aanay xisaab bixin.

Arrinta ayaa uu sidaa darteed u tuuray dhanka maamulkii hore ee Baarlamankii 10-aad oo uu sheegay inuu iyaga la yaal xaalka xisaab-xirku.

Si kastaba se, lama xaqiijin karo inay wax u dhaceen sida uu Wasiirku ku andacoonayo, balse wixii wacaal ihi waxay kasoo bixi doonaan dhinacyada ay khuseeyaan.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media