”Sidee ku dhacday?” – Warqaadka ugu afka dheer Turkiga oo la yaab ka muujiyey daroonnada Jabuuti lagu arkay

0

(Hadalsame) 28 Juun 2022 – Dowladda Jabuuti ayaa shalay maamuustay 45-sano guuradii kasoo wareegtey markii ay 1977-kii ay xornimada ka qaateen dalka Faransiiska ee gumaystey.

Jabuuti oo Maalinta Gobannimada aalaaba samaysa rigo ciidan oo bandhig dhoollatus sameeya ayaa soo bandhigay hub casri ah oo aanay dad badani ogayn inay haystaan.

Waa dayuuradaha bilaa duuliyaha ah ee Turkish-sameega ah ee Bayraktar TB-2 UCAV, kuwaasoo dagaallo badan oo dunida ka dhacay wacdaro ka dhigay, iyadoo Fagaaraha Xoriyadda lagu arkayey daroonnadan oo lagu xamaalayo abraarro waawayn.

Warqaadka afka dheer ee Daily Sabah ayaa hal arrin la yaab ka muujiyey, taasoo ah inaysan iyagu xitaa war ka haynin xilliga daroonnadan la siiyey Jabuuti, tiiyoo ay jirto inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Turkiga.

“Waxaan u dabaaldegaynaa sannad-guuradii 45-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Twitter dhigtay shirkadda Baykar Makina oo ah midda samaysa daroonkan.

”Hadalkan ayaa waxaa uu rasmiyaynayaa u dhoofinta daroonka Bayraktar TB2 ee dalka Jabuuti, taasoo aanay horay shirkaddu u xaqiijin, inkastoo warar kala duwani ay ka soo baxayeen warbaahinta.” ayuu qoray Daily Sabah oo yaabban.

Hadalsame Media