”Ruushku waxay naga soo galeen jiho kasta” – Barasaab Ukraine ah oo qiray inuu xaalku ku xun yahay

0

(Hadalsame) 28 Juun 2022 – Guddoomiyaha gobolka Luhansk ee dalka Ukraine ayaa sheegay in Ciidamada Ruushku ay duullaan ku yihiin magaalada Lysychansk oo ay kasoo kubaareeyeen jihooyinka galbeed iyo koonfur-galbeed.

“Waxay isku deyayaan inay magaalada ka go’doomiyaan dhinacyadan oo ay deeto la wareegaan isku xirka gaadiidka ee ay magaaladu uga xiran tahay gobolka Donetsk,” sida uu sheegay Serhiy Haidai.

Dagaal ayaa ka socda degaanka Vovchoyarivka, oo qiyaastii 12km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Lysychansk iyo wershad saliidda sifeeya, sida uu Haidai ku qoray Telegram. Ma uusan sheegin tan uu ula jeedo wershadda sifaynta ee Vovchoyarivka ama tan Lysychansk.

Sarkaal ka tirsan gooni u goosadka ay taageerto Moscow ayaa isna mar sii horreeysey sheegay inay Ciidamada Ruushku la wareegeen qayb ka mid ah wershadda saliidda ee Lysychansk.

Ruushka ayaa aad u xoojiyey dagaalka uu ka wado bariga Ukraine isagoo maalmihii iyo todobaadyadii yaraa ee dambe qabsanayey magaalo kaddib magaalo, isagoo halkaa cududdiisa oo idil iskugu geeyey.

Dhanka kale, geerida weerarkii lagu qaaday suuq ku yaalla magaalada Kremenchuk ayaa gaartey 18 dhimasho, dhaawucuna waa 59, sida ay saraakiishu sheegayaan.

Hadalsame Media