Ciddii ka dambaysey weerarkii lagu qaaday Wasiir Dibadeedka DF Somalia oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 28 Juun 2022 – Guddi xaqiiqo-raadin ah oo uu Maamul-goboleedka Puntland u xilsaaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa haatan faafiyey natiijada baaristooda.

Waxa kale oo ay soo bandhigeen khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dhacay 21-kii bishii Abriil, iyadoo kaddib la saaray guddigan oo ka kooban 6 xubnood, ayaa haatan natiijada baaristooda la wadaagey MW Puntland, Saciid Deni.

Warbixintan ayaa lagu faafiyey in dhibkii dhacay ay mas’uul ka yihiin Taliye Xigeenka Qaybta Booliiska gobolka Mudug Gaashanle Dhexe, Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) oo shilkaa dhacay ku dhaawacmay iyo Taliyaha Saldhigga Siinaay ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo, Laba-xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey khasaarihii ka dhashay dhacdadaasi, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka PSF ee ilaalinayey goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, Taliye Xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Koomaad, sida aannu soo xusnay, iyo askari kale oo isna ka tirsan PSF.

Guddiga ayaa Maamulka Puntland u jeediyey inuu mago khasaarihii meeshaas ka dhacay ee naf iyo maalba lahaa, islamarkaana uu raalligelin ka bixiyo wixii dhacay ee ay dadka waxyeelladu kasoo gaartey.

Xilligii goobta la weerarayey waxaa halkaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda DF Somalia, Cabdisaiid Muuse.

Hadalsame Media

Facebook Comments