XOG: MW Ruushka oo si qarsoodi ah loo dejiyey qorshe yaab leh oo lagu “khaarajinayo” (Agabka la adeegsan karo & magacyada rag muhim ah…)

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Vladimir Putin ayaa la sheegay in la khaarajin doono waxaana lagu dili karaa ‘dubbe madaxa lagala dhacayo’ iyadoo la adeegsanayo shirqool qarsoodi ah oo ay u maleegayaan xayndaabkiisa hoose, sida uu ku doodayo madaxii hore ee CIA.

Daniel Hoffman, oo ah sarkaal sare oo horay usoo noqday Madaxa Saldhig-hoosaadka Moscow, ayaa sheegay in hoggaamiyaha Ruushka saaxiibadiis ay isku dayi karaan inay xilka ka tuuraan Putin duullaankii fashilmay ee Ukraine dartii.

Sarkaalkan sirdoonku waxa uu rumaysan yahay in isku day kasta oo lagu afgembiyo ninkan ugu xoogga badan uu noqon doono mid degdeg ah oo ay dhici karto in lagu le’do.

Wuxuu u sheegay Daily Beast: “Nimanka arrintan samayn doonaa waxay noqon doonaan kuwo qarsoodi ah howsha u gala, si Putin uusan u hor ogaan iyaga oo uusan markaa hore u dilin. Waxay wax u dhici doonaan si lama filaan ah oo deg deg ah isna wuu dhiman doonaa.” Ayay la tahay Hoffman.

Hoffman waxa uu qiyaasay in saddexda qof ee muhiimka ah ee arrintan shirqoolka ah ka danbayn kara ay kala yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Sergei Shoigu, Madaxa Golaha Ammaanka Nikolai Patrushev, iyo Agaasimaha Nabad Sugidda FSB ee Alexander Bortnikov, kuwaasoo uu midkoodba hammi ka leeyahay hoggaaminta Ruushanka.

The hammer to the head reference brings to mind the assassination of Soviet revolutionary Leon Trotsky, who was killed on the orders of Joseph Stalin by an ice pick to the head.

In dubbe la isku khaarajiyo ayaa dadka xusuusinaysa dilkii kacaanyahankii Soviet-ka ee Leon Trotsky, kaas oo lagu diley amarkii Joseph Stalin iyadoo madaxa laga geliyey mudaca barafka lagu dulduleeliyo.

Halkan kasii dheeho….

Hadalsame Media