Raila Odinga oo sheegay hadal uu ku xodxodanayo Somalia & mowqif halis ah oo uu horay u caddaystay

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Musharraxa u taagan xilka madaxtinnimada Kenya ee Raila Odinga ayaa qaaday olole uu ugu seexseexanayo Somalia kaddib markii uu ballanqaaday inuu dib u furi doono ”xuduudda” Kenya iyo Soomaaliya, haddii la doorto.

Raila oo doorashada u istaagi doona 9-ka Agoosto,  ayaa sheegay in ”xuduudda” la furi doono si buu yiri loo fududeeyo ganacsiga isaga kala goosha labada dal, iyadoo weliba Faarax Macallin oo isaga la ololaynayaa uu dadwaynaha Gaarisa u sheegay inay ”badeeco rakhiis ihi uga iman doonto dhinaca Somalia.”

“Waa inaan diyaarinnaa wax kasta oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada xuduudda, sidaas darteed waxaan la macaamili karnaa walaalaheenna Soomaaliyeed.” ayuu soo jeediyey Raila.

Odinga, ayaa waxaa ololahan ku wehlinaysa haweenayda la sharraxan ee uu u xushay inay Madaxwayne Xigeen u noqoto Xukuumaddiisa ee Martha Karua iyo siyaasiyiin kale, isagoo si gaar ah u xusay inuu wax ka qaban doono ammaanka Mandheera oo ”xadka” saaran iyo guud ahaan kan gobolka Woqooyi Bari Kenya oo haatan 3 Ismaamul u qaybsan, iyadoo uu Ismaamulka Mandheera iyo qaybaha xadka xiga ee kale ay weerarro ku qaaddo kooxda Al-Shabaab.

Yeelkeede, Raila Odinga ayaa caadiyan ah siyaasi caddaysta inuu diyaar u yahaya kala goynta Somalia, isagoo marar badan ka qaybqaatay kulamo arrintaa loogu ololaynayo, isagoo ah siyaasiga ugu heer sarreeya ee Kenyan ah ee tillaabadaas qaaday, isagoo ka qaybgalay shirar ay qabsadeen Somaliland.

Hadalsame Media