Khabane Lame oo dood kulul oo heer siyaasadeed gaartey ka ridey dalka Talyaaniga

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Khabane Lame, oo 22 jir ah, islamarkaana haysta rikoodhka tirada ugu badan ee taageerayaasha TikTok, oo ah Apo caan ah oo baraha bulshada ka jira, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay inuusan weli helin jinsiyadda dhalashada inkastoo uu ku noolaa Talyaaniga 21 sano.

Cabashada ninkan horseedka ka ah baraha bulshada ee Talyaaniga ee ka soo jeeda asal ahaan Senegal ayaa keentay doodo ku saabsan xuquuqda dhalashada ajaanibka iyada oo loo cuskanayo waraysigiisii dhowaa.

Intii lagu guda jirey waraysiga uu siiyay wargayska La Repubblica, Lame wuxuu sheegay in inkastoo uu ku noolaa Talyaaniga waxna ku bartay muddo ku dhow 21 sano, haddana aanu heli karo dhalasho sababtoo ah waxaa aad u adag sharciyada dhalashada Talyaaniga, isagoo arrinkan ku tilmaamay “cadaalad darro.”

Yeelkeede, hadalkiisa kaddib, Xildhibaan Carlo Sibilia oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Lame la aqbalay codsigiisii dhalashada, islamarkaana uu dhlwaan ku qaadan karo dhalashada Talyaaniga xaflad dhaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka xubinta Golaha Shacabka ayaa laftiisu sababay in malaayiin dad ah oo baraha bulshada isticmaalaa ay ku faalloodaan in Lame si gaar ah loola dhaqmay maadaama uu malaayiin taageerayaal ah leeyahay.

Hase yeeshee, Lame ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu doonayn in dhibkiisa oo kaliya la xalliyo, balse uu rabo in la beddelo sharciyada jinsiyadda ee khuseeya 1 milyan oo carruur iyo dhallinyaro ah oo ku nool Talyaaniga oo uu dhibkani haysto.

Marka la eego sharciyada hadda ka jira Talyaaniga, carruurta ku dhalatay Talyaanigu waxay heli karaan dhalasho kaliya haddii mid ka mid ah waalidiintoodu uu yahay Talyaani.

Carruurta ay dhaleen labada waalid ee ajnabiga ihi waxay codsan karaan dhalashada kaliya marka ay gaaraan 18-jir, laakiin muddada sugitaanka markaa ka dambaysa ayay sidoo kale ka dhashaan cabashooyin.

Dadka ay dhibaatadani ku dhacday waxaa ka mid ah Mario Balotelli oo dhalashada qaatay 2008dii markii uu 18-jir noqday.

Hadalsame Media