Somaliland oo joojinaysa Jaadka Itoobiya & Sababta (Halka loo weecanayo & talo la jeediyey)

0

(Hadalsame) 26 Juun 2022 – Ganacsatada Somaliland ayaa gebi ahaan hakinaysa Jaadka uga yimaada dalka Itoobiya.

Sababta joojinta Hareeriga Itoobiya ayaa lagu sheegay in Kilinka 4-aad ee Oromadu uu qaaliyeeyey iyadoo 10 Doollar laga dhigay kiilada jumlada ah.

Ganacsatada ayaa sheegay in aanay soo degsan doonin Qaadka Itoobiya wixii ka dambeeya 6-da bisha Luulyo ee soo aaddan, iyagoo u weecan doono Jaadka Miiroowga ee Kenya iyo midka Yaman.

Dadwaynaha Hargaysa oo ah magaalada ugu wayn woqooyiga ee laga cuno Hareeriga ayay dadwaynuhu arrintan ka fal-celinayaan, qaar baana ku baaqay in gebigiiba Jaadka la joojiyo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media