Faransiiska oo ka werwersan hub ay Ukraine siiyeen oo uu Ruushku qabsaday & Sabab istaraatiji ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 26 Juun 2022 – 2 xabbo oo ka mid ah qoriga Qaysar ee iskiis u shaqeeya ee uu maraarihiisu yahay 155mm oo ah madfac aad u culus oo lagu sameeyay dalka Faransiiska, ayaa waxaa gacanta ku dhigay dalka Ruushka.

Qorigan Caesar 155mm ayaa waxaa loogu talagalay in lagu burburiyo bayteriyada madaafiicda, dhufaysyada aadka u adag iyo agabka kale ee cadowga.

Qorigan ayay Ciidamada Faransiisku isticmaalayeen tan iyo sanadkii 2002-dii, waloow sambalkiisii 1-aad lasoo bandhigay 1994-kii, isagoo gaaraya ama duqayn kara ilaa 42 kilomitir, islamarkaana lix madfac ridi kara daqiiqadii.

Siyaasiga Faransiiska ah ee Regis de Castelnau ayaa waxa uu sheegay in madaafiicdani ay ku sugan yihiin xaalad aad u wanaagsan, waxaana durba loo diray magaalada Uralvagonzavod, halkaas oo ay ku daraasadaynayaan Ruushku.

“Waa guusha kale ee Macron: Ruushkii ayaa waxay haystaan hubkii Faransiiska, halkii ay Ukraine ka haysan lahayd,” ayuu yiri siyaasigan oo ka xanaaqsan arrintan sida uu sheegay.

De Castelnau waxa uu intaa raaciyey in Faransiisku ay lacag badan ku bixiyeen sahayda qalabkan culculus ee la gaynayo Ukraine.

“Canshuurta Faransiisku, waxay ku baxday, inay maalgeliso cilmi-baarista Ruushka ee wershadaha millateriga France, taasoo ciidamadooda ka dhigaysa xitaa kuwo kasii xoog badan sidii hore,” ayuu yiri.

Waxay qorigan Faransiisku inta badan ku xiraan gaariga Renault Sherpa 10 oo dhinacyada ka gaashaaman.

Waxaa ku xiran hannaanka dhijitaalka ah ee SIGMA 30, waana meelaha uu Faransiisku ka baqayo, waayo NATO meelaha ay Ruushka ugu faanto waa dhinacyada elektaroonigga iyo waxyaabaha iskood isu xukuma.

Sidoo kale, waloow uu Ruushku haysto gaadiid gaashaaman oo madaafiic culus qaadda, misna waa kuwa siliska leh, sidaa darteed, in gaari taayarro leh lagu xiro madfac sidan u culus waxay ciidanka siinaysaa awood guur guur oo ka hufan kana orod badan silislayaasha.

KONICA MINOLTA DIGITAL CAMERA

Hadalsame Media