RASMI: ”Waxaad i saarteen culays” – Baarlamanka oo aqlabiyad ku ansixiyey RW Xamsa Cabdi Barre

0

(Hadalsame) 25 Juun 2022 – Baarlamanka DF Somalia ayaa si aqlabi ah u ansixiyey RW Xamsa Cabdi Barre oo ay u wada codeeyeen dhammaanba xildhibaannadii fadhiyey baarlamanka.

Waxaa ”haa” ugu wada codeeyey 220 Xildhibaan oo fadhiga soo xaadiray, ma jirin wax diidey iyo cid ka aamustay toona.

”Waxaan dareemayaa farxad in la i ansixiyey, balse waxaad sidoo kale i saarteen culays,” ayuu Barre ka hor sheegay fadhigii Baarlamanka ee ansixiyey kaddib markii la dhaariyey.

Xamse ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu soo dhisayo xukuumad tayo iyo aqoon lagu xulay, islamarkaana uu quud darreeynayo in xukuumaddaana la ansixin doono.

Hadalsame Media