Oday wayn oo fannaanad caan ah oo uu qabey 3 xabo ku dhuftay + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Juun 2022 – Fanaanad reer Mexico ah ayaa waxaa toogtey ninkeeda oo ku diley makhaayad ku taalla magaalada Mexico City, sida uu maamulka degaanku sheegay.

Yrma Lydia, oo 21 jir ah, oo hadda uun bilowday xirfadeeda muusigga, ayaa lagu toogtay makhaayadda Suntory Del Valle ee koonfurta magaalada habeenimadii Khamiistii, markii uu soo weeraray lammaaneheeda, Jesús Hernández Alcocer oo 79 jir ah.

“Waxaa la xirey nin ayaa saddex xabadood ku dhuftay xaaskiisa, isaga iyo naag kale oo la socotey.” ayuu yiri Omar García Harfuch, Xoghayaha Amniga ee magaalada Mexico City.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ihi muran kaddib ayaa ninkan cirrada lihi uu toogtay fannaanadda oo ahayd xaaskiisa.

Alcocer ayaa isku dayey in uu laaluush siiyo booliiska si uu u baxsado isaga oo uu la socdo mid ka mid ah ilaaladiisu, kaas oo isna la xiray.

Weli lama faahfaahin sababta dilkan ka dambaysa. Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media