Ruushka oo ku dhawaaqay magaalada ugu horreeysa ee uu nukliyeer la dhici doono (Sheekada oo qabyaalad gaartey)

0

(Hadalsame) 24 Juun 2022Mashiinka dacaayadaha ee Kremlin-ka ayaa ka digey in London ay noqon doonto magaalada ugu horreeysa ee la duqeeyo haddii uu dagaal adduun qarxo, taasoo ah caradii ugu dambaysey ee uu Ruushku u muujiyo reer galbeedka.

Andrey Gurulyov, oo ah siyaasi ka tirsan Aqalka Sare ee Duma sidoo kalena ah saaxiib aad ugu dhow MW Vladimir Putin, ayaa hanjabaaddaN Ingiriiska ka jeediyey kannaalka ay Dowladdu maamusho ee Rossiya 1.

Digniinaha halista ah ayaa imaanaya iyadoo ay jirto cabsi hor leh oo laga qabo in dagaalka Ukraine uu isu beddelo iskahorimaad caalami ah sababtoo ah Xubin ka tirsan Gaashaanbuurta NATO xilli ay Lithuania xannibtay badeecooyinka la cunaqabateeyey ee Ruushka ee ku jeeda ama ka tegaya gobolka Kaliningrad.

Gurulyov ayaa sheegay in habka kaliya ee looga hortegi karo duullaan uu Ruushku kala kulmayo wadammada NATO haddii uu midkood weeraro, kaas oo shaqa-gelin doona Qodobka 5-aad oo dhigaya in la difaaco haddii la weeraro dal NATO ah, ay taasi curin doonto Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.

Waxa uu yiri: ‘Waxaan burburin doonnaa dhammaanba dayax-gacmeedyada hawada cadawga inta lagu jiro howlgalka koowaad ee cirka.”

“Halka ugu horreeysa ee la garaaci doono waa London. Way caddahay in khatarta dunidu ay ka imanayso dadka Anglo-Saxon-ka.” Waxa uu wacad ku maray in reer Galbeedka ay dunida ka “jari doonaan” iyadoo dhammaan awoodda korontada “la baabi’in doono”. ayuu ku gooddiyey Andrey Gurulyov, oo xubin ka ah guddiga difaaca ee Ruushka oo sidoo kale la hadlay Channel 1.

Ruushka ayaa u muuqda inuu dagaalka qabyaaladaynayo isagoo is xijinaya dalalka bariga Yurub oo ay Ukraine ka mid tahay, kuwaasoo ay isku yihiin Qoowmiyadda ballaaran ee Slav-ka, halka dadka madaxa cad ee dega Yurubta woqooyi min Holland, Germany, Scandinavia (oo Finland laga saaray), England (oo laga saaray Scotland, Northern Ireland iyo Wales) ilaa woqooyiga Ameerika, marka laga reebo Mexico ay u badan yihiin  Qoomwiyadda Anglo-Saxon, asal ahaan kasoo jeedo laba qabiil oo  asal ahaan Jarman ah.

Hadalsame Media