Hilinka Channel 4 oo lagu eedeeyey inay iidheh furan u samaynayaan kooxda Al Shabaab

0

(London) 24 Juun 2022 – Hilinka Ingiriiska saldhigta ee Channel 4 News ayaa loo diray in ka badan 100 cabasho oo ku saabsan warbixin iidheh lagu tilmaamay oo uu Jamaal Cismaan oo ah weriye madax-bannaan uu kasoo duubay ‘Gudaha Al-Shabaab’ oo uu galaangal u leeyahay.

Codsigan ayaa lagu doonayaa in meesha laga saaro warbixintan oo gaarey boqollaal saxiix, ayaa oo ku doodaya in baahinta warbixinyani ‘aanay ahayn oo kaliya mid dhaawacaysa muuqaalka Soomaaliya, laakiin ay sidoo kale niyadda ka dilayso dadka hadda la ildaran falalka argagixiso ee Al-Shabaab, sida uu qorayo The Mirror.

In ka badan shan iyo toban sano ayay kooxdan xagjirka ihi waxay qaadaysey dagaallo dhiig badani ku daatay oo ka dhacay Soomaaliya, kuwaasoo badiyaa ay wax kasoo gaaraan dad rayid ah.

Kooxdan oo la aas aasay 2002-dii, ayaa sanadkii 2008-dii waxa ay kooxdu gacanta ku haysey inta badan koonfurta Soomaaliya, waxayna markiiba la midoobeen Al-Qaacida, waxayna billaabeen inay weerarro ka gaystaan gudaha iyo dibedda Somalia.

Sanadihii xigey, weerarrada kooxdu waxa ay noqdeen kuwo caadi ah oo ay inta badan ku dilaan dad badan oo rayid ah bishiiba, iyaga oo la dagaallamaya Ciidamada Midowga Afrika ee halkaas ku sugan ee ilaaliya DF Somalia iyo Ciidamadeeda.

Hadalsame Media